Waxaa bisha June gudaha muqdisho ka bilaawday diiwangalin lagu haayo guryo xadidan , diiwaangalintaas oo lagu tirakoobayo guryaha ayku nool yihiin xubnaha mucaaradka ku ah Dowlada Fadaraalka Soomaaliya .
Ugu Horeeyn waxaa guriga kuugu imaanayo ruux iska dhigaayo in uu kasocdo Hey’ad gargaar wuxuu ku waydiinayaa suaalo Magaca & Nambarkaaga sido kale wuxuu ku waydiinayaa tirada guriga ku nool & hadii uu jiro qof u dhintay Coronavirus 2 bil udanbeeysay.
Hadaba Sida dadka lagu qaldo waxaa lagu waydiinayaa nooca gargaar ee ubaahan tahay hadii ay ahaan leheed cunto, Lacag ama Qalabka looga hortago Covid 19 .
Sidaasi darteed dadka ladiiwangalinaayo maqaadayaan wax shaki ah marka ay arkaan Nooca suaalaha lawaydiinayo waxeeyna moodayan Hey’adaha UN ee kashaqeyo arrimaha biniaadanimada .
Muqdisho Online oo heshay xogtaan ayaa wax ka waydiisay Saraakaal qaabilsan aruurinta xogta ee katirsan Agaasinka Maamulka & Maaliyada NISA , oo aanka baaqsanay inaan magaciisa sheegno sababo laxiriirta amnigiisa & Shaqadiisa Sarkaalka wuxuu nooxaqiijiyay in howshaas socoto mudo dhawna bilaawatay waxaana ka qeyb qaadanayo fulinta Qeyb kamid ah dhalinyarada Xoogaga Wadaniyinta & Dhalinyaro la qalday loona sheegay ineey u shaqeeynayaan Hey’ad Samafal ah.
MOL waxaay waydiisay Sarkaal ka ujeedada laga leeyahay tirakoobkaas , asagoo hadlaayo sarkaal ka wuxuu yiri ” Tirakoobkaan waxaa looga gonleeyahay in lacalaamadeeyo guryaha shaqsiyaadka Mucaaradka ku ah Madaxda ugu sareeyso DFS , wuxuu sido kale noosheegay sarkaal ka in dhawaan labilaabi doono howlgalo isugu jira dilal qorsheysan & xirid.
Arrintaan ayaa ku soo aaday xili dhawaan la filaayo in dalka ayka dhacdo doorasho taaso uuka taagan yahay muran aad uweyn lama ogo xaladaan hada soo koradhay waxeey ka badali karto Culeeska siyaasadeed ee saaran Madaxweyne Farmaajo .