Ninkii madaxa ka ahaa hay’adii NSS markii la laayay culamadii Soomaaliyeed oo masaajid loo dhisay (Ra’yi)

Reading Time: 2 minutes

Bishii January 1975-kii, Axmed Saleebaan Dafle, wuxuu ahaa ninkii madaxda u ahaa hay’addii cabburiska, ee NSS, markii la laayey culumadii Soomaaliyeed, ee ka dhiidhisay in Maxamed Siyaad Barre uu si bareer ah, oo public ah, u nasaqay suuratu Nisaa, oo ka mid ah aayadaha Alle ku soo dejiyey Nebigeennii suubbanaa, Muxammad (CSW).

Sida ku cad warbixinnadii ay daabeceen hay’adaha xuquuqda aadamaha, wuxuu ahaa Axmed Saleebaan Dafle ninkii fuliyey amarkii uu Jaalle Siyaad ku bixiyey in la soo xir-xiro culumada ka dhawaaqday masaajiddada Muqdisho. Dafle, wuxuu soo xir-xiray culumaa’uddiin gaaraya soddomeeyo, waxaana la toogtay toban ka mid ah, intii kale-na waxaa lagu xukumay xabsi daa’in.

Haddaba, ma tahay maanta wax uu qof Muslim ah, oo Soomaali u nasab sheegta aqbali karo in taliska keli-taliska ah, ee Maxamed Farmaajo, uu masajid ku magacaabo dhiigyacab Axmed Saleebaan Dafle? (sida culumada loo maxkamadeeyey, loona toogtay, iyada oo faahfaahsan, waxay ku taallaa chapter-ka saddexaad ee buuggeyga, The Suicidal State in Somalia: The Rise and Fall of the Siad Barre Regime (published by University Press of America, 2016).

Maalintii Jimacaha shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar shacabka ku dhaqan magaalada Muqadishu waxa ay ku soo baraarugeen iyada oo Ra’iisal Wasaarihii dalka furayo masaajid loogu magac daray Axmad Saleebaan Dafle oo ka mid ahaa dadkii mas’uul ka ahaa burburkii iyo dilkii kumaan kun oo Soomaali ah.

W/Q: Maxamed Xaaji Ingiriis