Ninkii Fududeeyay Qaraxii Fashil-may ee guriceel oo saaxiib lahaa Cali-yare iyo Xildhibaan C/shakuur mire (Tuhun xoogan oo soo baxay)

Reading Time: 2 minutes

Maalmo ka hor waxaa la fashiliyay qarax la damacsanaa in lagu waxyeeleeyo madaxda ahlusnna waxaana soo baxaya warar sheegaya in muqdisho laga soo abaabulay.

Nin ehel dhaw la ah Cali yare ayaa la sheegay in uu lahaa abaabulka oo  Muqdisho uga soo safray diyaarad kuna soo degay Garoonka Guriceel, ninkaa baq Xalay Magaaladda Guriceel
Banaankeeda meel ah baabuur uga soo qaaday, gurigiisa jiifiyey, saakay marka Madaxda Ahlushuna wada timid, fariisteen xafladda keenay meesha Xafladda, kor ka tusay meesha madaxda fadhido,

Ninka Iska qarxin rabay waxaa Alshabaab Xalay kasoo qaadeen Ceelgaras oo u dhow Ceelbuur, waxay Baabuur ku keeneen meel u dhow Tuulada Ceeldheere oo u dhaxaysa Guriceel iyo Dhuusamareeb, waxay siiyeen tilmaam uusan mareyn Laamiga, meel marka uu gaaro baabuur ka hor imaanayo u seyn yaalayno, ninkaa oo qaadaya oo kadib hawlgalkiisa hagaya.

Ninka odayga ah ee la qabtay waxaa lagu magacaabaa Cali Dhubad Nuure Siyaad waxaa adeer laxmi ah u ah oo uu gurigiisa Muqdisho joogay Cabdiwaal Nuure Siyaad oo Dawladda u degan hotel Jazeera.

Cabdiwaal waxaa dhinaca Dawladda uu la shaqeeyaa oo uu aad ugu xiran yahay Fahad Yasin, xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire iyo Cali Yare