Ninka mayalka adaq ee Cabdimalik Coldoon oo maanta maxkamad la horkeenay

Reading Time: < 1 minute

Suxufiga mayalka adag Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta la horkeenay maxkamada gobolka Maroodijeex ka dib markii habeenkii xalay ahaa guure lagaga soo qaaday jeelka Mandheera.

Coldoon oo saaka oo wakhti hore ah la horkeenay maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa loo jaray todoba cisho oo xabsi ku hayn ah iyada oo la sheegay in la soo dhamaystirayo eedaymaha loo haysto. Coldoon ayaa mar kale dib loogu celiyey xabsiga Mandheera halkaas oo lagu hayn doono mudada ay maxkamadu u qabatay inuu jeelkaas ku jiro.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!