Nin u dhashay Ingiriiska oo ay xukuntay Maxkamada G/lka Banadir

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maalmahan  dhagaysanaysay dacwad nin u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Andrew Braian Irlam. Ninkaan ayaa lagu soo eedeeyay in uu   qalqal gelinta Amniga Garoonka Caalamiga ah Aadan Cabdulle Cismaan (Cadde) isaga oo la soo galay garoonka walxaha hub.

Maxakamada Gobolka Banaadir ayaa ku xukuntay  ninkaan in uu bixiyo ganaax lacageed oo lagu sheegay $7,000 waxayna Maxakamaddu ku waysay Qodobadii lagu soo Eedeeyay labo ka mid ah waxayna ku heshay qodobka 34aad ee Xeerka Nabad gelyada Guud Ee Qaranka.

Waxaa maxkamada la hor keenay cadaymo ay ku jiraan 7 Khasnadood iyo Jaakadaha anay Xabbaddu Karin oo ay ku heleen eedeysanaha, xilli uu u safrayay Dalka Imaaraadka Carabta.