Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo maxkamad lagu soo taagay Muqadisho

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta maxkamad lagu soo tagaay magalaada Muqadishu nin  u dhashay dalka Ingiriiska. Ninkaan oo loo haysto danbiyo ayaa  ku xirnaa Muqdisho tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan 2019.

Ninkaan oo lagu magacaabo Andrew Braian Irlam ayaa  lagu soo eedeeyeen in uu khal-khal galiyay dadweynaha isaga oo dalka soo wargelin waxyaabo lagu tilmaamy  walxo qarxa oo uu ku watay boorso xili ka duulayay madaarka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Braian Irlam ayaa dhowr mar ka baxsaday isku dil la isku dayay in lagu dilo maxkamada dhexdeeda ka dib markii xabsi lala galiyay kooxo ka tirsan Al Shabaab oo halkaas ku xirnaa.