Nin Tagsiile ah oo Rag Al-shabaab ah u gacan geliyay Ciidamada booliska kenya (SAWIRO)

Reading Time: 2 minutes

Ninka taxsiilaha ah ayaa labadan nin soo qaaday,iyagoo ka yimaaday deegaanka hosingo ee soomaliya kuna sugnaa deegaanka Hamey.

“Markii ay soo gaareen Hamey waxa ay ninkii Taxsiilaha ahaa ku dhaheen waxaan rabnaa Xagardheer.iyagoona usheegay in uusan wada tooska ah marsiin”sidaasi waxaa lagu sheekay warbixin ay soo saareen booliska deegaanka Alinjuqur.


Balse ninkii taxsiilaha ahaa ayaa si dhaqso leh raggii waxa uu u geeyay saldhigii booliska markii la baaray waxaa laga helay laba bastoladood numbarkooda kala ahaa Zceska pistol s/no. 609101 qaada 15 xabadood,
Makarov pistol S/no ATMOST 3846 oo qaada 8 xabadood iyo budo cadaan ah.


Adan xasan Maxamed oo 22 jir ah iyo Ibraahin Ali Guyo oo 19 jir ah ayaa ka yimaadeen magaalada kismaayo waxa ayna kusii jeedeen markii la qabanaayay magaaladda Gaarissa ee gobolka waqooyi bari ee Kenya.


Qabadasha ragaan ayaa imaanaysa xilli dalka kenya laamihiisa Amniga ay ku jiraan heegan aad u sareeyo ka dib weerarkii lagu qaaday Hotelkii DusitD2 oo ay ku dhinteen dad farabadan kuwa kalane ay ku dhaawacmeen.


Al-shabaab ayaa inta badan sheegta weerarada iyo qaraxyada ka dhaca gudaha dalka Kenya.

https://youtu.be/hcjPUJR0zi4