Nin Somali ah oo lagu eedeyay in uu  faraxumeeyay caruur uu Quraan baraayay

Reading Time: < 1 minute

Booliiska magalaada Fort Bend County  ee Gobolka Taxes ee dalka Maraykanka ayaa xabisga u taxaabay nin wadadaad ahaa oo caruurta Soomaalida iyo kuwa Muslimka quraanka ku bari jiray qaybo ka tirsan Gobolka Taxes.

Ninkaa oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Cali oo da’diisu tahay 59 jir ayaa lagu eedeeyay in uu faraxumayn jiray caruurta uu quraanka ku baro guryahooda iyada oo ayan walaadiintii dhashay ayan la joogin.

Imaan Maxamed ayaa ah wadaad aad caan uga ah gobolka  Taxes iyo guud ahaan dalka Maraynka. Waxa uu ahaa wadaad iyo imaanka masaajidka oo aad loo tixagaliyo dadakuna ay ku qabeen kalsooni  keentay in ay caruurtooda ku aaminaan.

Booliska Maraykanka ayaa sheegay in ay wadeen baaritaano mudo bilooyin ah. Markii ugu horeeysay oo ay booliska ka shakiyeen Imaam Maxamed waxa ay ahayd marka uu dalka Maraykan yimid sanadkii 2013.

Hadlaka dhiilada leh ee ka soo yeeray booliska ayaa naxdin iyo cabsi ka dhex dhaliyay jaaliyada muslimka ah ee ku dhaqan Gobolka Taxes.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!