Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Deyniile, Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee ku sugan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa saacadihii lasoo dhaafay iska horimaad waxa ay ku dileen nin hubeysnaa oo la sheegay inuu dhac ka geystay qeybo ka mid ah degmadaasi.
Ninka hubeysan ayaa la dheegayaa in uu xirnaa tuutaha ciidamada milatariga Soomaaliya, isla-markaana uu dhac u geystay dhalinyaro ku sugneyd xaafadda Siisii oo ka tirsan Dayniile, waxaana dhalinyarada oo laga qaatay Moobeello ay wargeliyeen saldhigga Booliska degmadaasi oo durbo ciidan u diray halkaasi, kuwaasoo toogtay ninkii hubeysnaa.
Inta aan la dilin ninka hubeysan ayaa ciidamnada ugu tageen guri ku yaalla xaafaddaasi, isaga oo isku dayey inuu is-difaaco, waxaana ciidamadu ay markii dambe ku dileen fal toogasho ah, sida ay in noo sheegeen qaar ka mid ah dadka degaanka. Sidoo kale ciidamada ayaa la wareegay Moobeelladii la sheegay inuu soo dhacay ninkaasi, iyadoona kadib meydkiisa la geeyey xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da.
”Ninka markii uu Mobeelada dhacay, dhalinyarada way daba galeen Guriga uu galay ayay soo ogaadeen, sidaas ayay Ciidamada ugu sheegeen, balse markii uu isku dayay in uu iska difaaco ciidamada ay toogteen,” ayuu yiri qof ka mida dadka deegaanka.