War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Goordhow shaacisay inay gacanta ku dhigtay Ninkii hoggaaminayay qaraxyadii Maanta ka dhacay Magalada Muqdisho.
Ilaa laba qarax ayaa Maanta waxa ay ka dhaceen Gudaha Magalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon iyo Tiyaatarka Qaranka,kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
NISA ayaa qoraal ay soo dhigeen Barta ay ku leeyihiin twitter-ka waxa ay ku sheegeen in Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen hoggaamiyihii qaraxyada Maanta ka dhacay Magalada Muqdisho,iyo sidoo kale Darawalkii waday Gaariga ku qarxay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon