Nin kufsi ka geeystay gobolka Mudug oo xukun lagu riday

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda darajada koowaad ee Gaalkacyo ayaa xukun dil ah iyo magdhow lacageed oo dhan 5 kun oo doolar ku xukuntay nin kufsi horey u geystay.

Ninkaan ayaa lagu Magacabaa  Mukhtaar Cabdikaafi oo 36 sano jir ah.

Maxkamada Magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday xukuno ka dhan ah dadka tacadiyadda u geysta dumarka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Mudug.