Nin ka danbeeyay dilka Gabar Soomaali ah oo loo gudbiyay Maxkamadda sare ee Malaysia

PUTRAJAYA 22 JUNE 2017. Simulasi perbicaraan di Mahkamah Jenayah Seksual terhadap Kanak-Kanak yang pertama di Malaysia dan Asia Tenggara itu dijalankan selepas dirasmikan Perdana Menteri Datuk Seri Najib Tun Razak di Istana Kehakiman Putrajaya. NSTP/AHMAD IRHAM MOHD NOOR.
Reading Time: < 1 minute

Nin u dhashay Dalka Ciraaq kuna eedeysan in uu dilay Dahabo Cumar oo Soomaali ah ayaa loo gudbinayaa Maxkamadda sare ee Malaysia 9ka May 2022 sida ay sheegtay Maxkamad lasoo taagay sida uu xaqiijiyay mid kamid ah ehelka Gabadha la dilay.

Amaal Maxamed Siciid (Hoggaamo) sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Malaysia ahna Qunsulka Safaaradda oo la hadashay VOA ayaa sheegtay in xubin kamid ah ehelka Marxuumadda uu ka qaybgalay fadhiga Maxkamadda ee go’aankaas lagu gaaray.

“Maxkamadda ayaa soo gabagabeysay dhageysiga eedeysanaha xukunkiisa oo loo gudbinayo Maxkamadda sare ee Malaysia 9ka May 2022, Dhageysiga Dacwadda waxaa Soomaaliya ku metalay Mid kamid ah Ehelka Dahabo Cumar” ayay tiri Amaal Maxamed.

Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Malaysia oo horay u sheegtay in aan Dahabo la aasi doonin ilaa maxkamad laga soo taago Gacan ku dhiiglaha dilay oo ugu dambeyn maanta lagu aasayo Qabuuro ku yaalla Kuala Lambur.

Booliiska Malaysia ayaa gacanta ku dhigay Ninka loo heysto dilka Dahabo Cumar oo u dhashay Dalka Ciraaq oo haatan ah Xukun suge kiiskiisa loo gudbiyay Maxkamadda sare ee Dalkaas oo go’aan ka gaari doonta.