Nin horay u dilay Nabadoon caan ahaa oo saakay la toogtay

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Koonfur Galbeed ayaa tibaaxaya in xukun dil ah lagu fuliyay mid kamid ah dagaalyahanada Shabaab, oo horaan dil toogasho maxkamad ugu xukuntay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka Fagaaraha Maanyo fuulka Baydhabo ku toogatay nin lagu eedeeyay inuu Masjid Baydhabo ku yaallo horay ugu dilay Sh Madeer Madgaab Caliyow 15-6-2017-kii.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Cali Barrow ayaa bartamihii bishii June ee sanadkii hore Masaajidkan oo ku yaala xaafadda Towfiiq ku dilay Sheekh Maxamed Deyr, oo si weyn looga garanaayay Magaalada Baydhabo.

Goobta dilka toogashada uu ka dhacay, waxaa joogay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida & Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida.