Nin Dhakhar ahaa oo Xanuunka HIV qaadsiiyay 90 ruux

Reading Time: < 1 minute

Dhacdo xanuun badan oo si weyn looga hadlaayo maanta ayaa ka dhacday Pakistaan ka dib markii ugu yaraan 90 ruux oo ay ku jiraan 65 Carruur, la qaadsiiyay xanuunka HIV.

Falkaan ayaa waxaa ka dambeeyay dhaqtar Pakistaani ah oo Cirbad horay loogu duray dad qaba Xanuunka HIV  ku duray dadkaasi.

Sarkaal Booliska dalka Pakistan u hadlay, ayaa sheegay inay soo xireen Dhaqtarka Jimcihii.

“Waxaan soo xirnay Dhaqtarka, kadib markii aan helnay cabasho ka timid Maamulka Caafimaadka.” Ayuu yiri Kamran Nawaz oo ah Sarkaal Boolis ah.

Wuxuu intaasi ku daray Sarkaalka Booliska in loo sheegay Dhaqtarka qudhiisa inuu qabo xanuunka HIV Aids-ka.

Booliska ayaa sheegay inay baaris ku wadaan dhaqtarkaasi sababta keentay in xanuunka HIV uu qaadsiiyo dadkaasi faraha badan.

Arrintaan ayaa shaki wayn waxa ay ku abuurtay Bulshada u dhalatay dalka Pakistaan oo noqday kuwa ka feejigan goobaha ay joogaan dhaqaatiirta.