Wararka ka Imaanaya Xaafadda Suuqa Xoolaha Degmadda Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay Nin iyo Xaaskiisa,Falkaan ayaa ka dhacay xaafadda Cali Turcaaye dhanka Wadada jayga aada.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka Xaafadda, rag hubeysnaa ayaa guri ay dagnaayeen Ninka iyo Xaaskiisa kala baxay saqdii dhexe ee xalay, waxayna kusoo celiyaan iyagoo meyd ah oo si arxandaro loo dilay.
Saakay markii ay dadka hurdada kasoo tooseen ayay arkeyn meydka Ninka iyo Xaaskiisa oo guriga kor loogu xiray, waxaana arintaan saakay ay tahay mida loogu hadal heynta badan yahay Degmaddda Heliwaa.
Ninka iyo naagta la dilay ayaa ifka kaga tagay caruur, sida naloo xaqiijiyay,Ninka ayaa ahaa mid ka shaqeeya kala wareejinta dhulalka ama (dalaal),balse naagta ma ogaanin wali.
Degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshid ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa mudooyinkii dambe kusoo batay dilalka Argagaxa leh ee loo geysto dadka shacabka xiliyada Habeenkii.
Maamulada labada degmo ayaa ku fashilmay wax ka qabashadda arrimaha amniga.