Nin culumo ah oo lagu dilay magaalada Galkacyo

Reading Time: < 1 minute

Wararka aan ka heleyno gobolka Mudug waxay sheegayaan in saakay koox hubeysan ay dishay nin wadaad ah oo caan ka ahaa gobolkaas, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cali Dheere dilkiisa waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Taaroge oo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Sheekh Cali Dheere ayaa ka mid ahaa culumada sida weyn looga yaqaano magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale Marxuumku waxa uu ahaa maamulaha kuleejka wax lagu baro caruurta agoonta ah ee Xaraar oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo.