Nin Al-shabaab ka tirsanaa oo lasoo qabtay

Reading Time: < 1 minute

Siidow Cabdi Geeddi Ibraahim oo ka mid ahaa ururka Al-shabaab ee ka howlgala gobolada Jubbaland iyo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee hoostaga guutada 11-aad ee Taliska qaybta 43-aad ee magaalada Kismaayo.

Siidow wuxuu kasoo qayb qaatay dagaallo badan oo ururka Al-shabaab ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka, sidoo kale wuxuu qayb qaatay dagaalkii khasaaraha ba’an geystay ee sanadkii 2011-dii ka dhacay degmada Deyniile sidda uu sheegay.

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in dhaqan celin loo sameyn doono, islamarkaana ay soo dhaweynayaan Cidwalba oo kasoo baxda Al-Shabaab.

Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo bandhigayay xubno ka mid ah Al-Shabaab, kuwaasoo isku soo dhibaayay Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.