fbpx
Home Wararka Nin ajnabi ah oo lagu toogtay magaalada Addis Ababa

Nin ajnabi ah oo lagu toogtay magaalada Addis Ababa

Waxaa la sheegay in niinka la dilay uu  ahay niin Ajanabi kasoo ka soo jeedo dalka India, oo magaciisa lagu sheegay Sukhdev Gupta, oo ahay shaqaale katirsan shiirkada Kanoria Textile Africa.

Idaacadda FANA ayaa uga warbixiyey qaabka uu dilka udhacay ayaa cod dheer ku qeexay inay qaybaha sare ee jirka looga dhuftay xabado, xili falka ka dib ay isaga baxsadeen meesha kuwa wax khaarijiyey.

Hay’addaha amniga ee dowlada Federalka Itoobiya ayaa durbadiiba soo gaarey meesha ay wax ka dhaceen xili ay saacado hakad geliyeen isku socodka Gaadiidka, walow kolkii dambe ay xaalada si caadi ah kusoo noqotay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkaan, balse waxay qayb ka noqonayaa dhacdooyinka khal-khalka gelinaya caasimada Gumaysiga Itooobiya ee Addis Ababa.

Advertisements
error: Nabad & Nolol
%d bloggers like this: