60-jir ah 4-Gabdhood oo Walaalo ah ku kufsaday D. Dayniile iyo Aabbaha dhalay oo hadlay (Video)

Reading Time: < 1 minute

Sida uu sheegay Khadar Cali xassan 4-gabdhood oo uu dhalay ayaa lagu kufsaday Degmada dayniile ee gobolka Banaadir waxaa falkaasi foosha-xun geeystay nin Da’a oo uu magaciisa ku sheegay Cabdullaahi cabdi Qoobeey.

waxaa uu sheegay sidoo kale uu sheegay in Hooyada dhashay Caruurtaasi ay hada gashay xaalad adag islamarkaana ay walaatay.

Cabdullaahi Cabdi Qoobeey oo ah shaqsiga falkaan lagu eedeeynaayo ayaa waxaa uu hada ku xiran yahay Xarunta Dambi baarista ee C.I.D ,halkaasi oo ay usoo gudbiyeen Maamulka Degmada Dayniile.

Odayaal iyo Xildhibaano ayuu sheegay aabbe Khadar in ay hadda u ololeeynayaan sidii lagu sii deeyn lahaa ninkaasi,waxaana uu madaxda dalka ugu baaqay in ay la raadiyaan Cadaalada