Nicholas Haysom oo loo magacaabay in uu xaliyo qalalaasaha Siyaasadeed ee Sudan

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay   Antonio Guterres ayaa shalay u magacaabay Nicholas Haysom in uu noqdo wakiilkiisa qaasa ee xal u helida qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalka Sudan.

Jagada cusub ee loo magacaabay Mr Heysom ayaa ah mid ka sareeysa tii uu u hayay dowlada Soomaaliya, laakin dowlada Soomaaliya ay soo ceyrisay. Go’aanka shalay ka soo baxay galaha amaanka ayaa muujiyanaya in  Beesha Caalamka, gaara ahaan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ay kaslooni ku qabaan Nicholas Haysom.

Waxaan shaki ku jirin in Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed dhib badan ka soo gaari doonto go’aankii  ceyrintii ay ceyrisay Nicholas Haysom.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here