Ergayga cusub ee Qaramadda Midoobay uqaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa waxaa uu ka hadlay Xaalada Somaaliya xiligan ay marayso.
Haysom ayaa sheegay in ahmiyada koowaad uu siinayo inta uu jooga xafiiska Q.M ee Soomaaliya sidii ay dalka u dhici laheyd doorashada 2020 oo ku soo wajahan, arintaasi ayuu sheegay in ajandaha ugu horeeyo uu diirada saari doono.
Mr Haysom ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono arrimaha siyaasadda iyo sidii dalka ay uga hir-geli lahayd dowlad wanaag oo kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee qaranimadda dalka.
danjiraha ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay xaalada amni ee dalka ka jirta haatan.
“ Waxaan qirayaa in amniga uu kamid yahay caqadabaha ugu waawayn ee horyaala dowladda hadda jirta, dhibaatada ugu badana waxaa ay ka timaadaa Al-Shabaab oo weeraro ka geysta Magaalooyinka waaweyn ee dalkan geeska Afrika”
Wakiilka ayaa Sheegay in loo baahan yahay in ay Soomaaliya yeelato Dastuur aanan qabyo ahayn, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in la dhameystiro kahor doorashooyinka, taasi oo bud-dhig u ah inay noqoto xor iyo xalaal.
dhawaan ayay aheeyd markii uu xilka la wareegay danjire Mr Haysom Isagoo sheegay inuu qeeyb ka noqon doono sidii loo horumarin lahaa dalka iyo sidii nabad waarta looga dhalin lahaa koonfurta iyo bartamaha soomaaliya.