Natiijada Doorashada Somaliland ee Golayaasha 13 Degmo (Mucaaradka oo ku horeeya)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa socda tirinta codadkii Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Degmooyinka Somaliland, waxaana soo baxay ilaa iminka natiijada hordhaca ah ee 13 Degmo-doorasho.

Natiijooyinka ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa muujinaya inay ku horeeyaan marka la isku daro xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo UCID oo helay tirooyinka ugu badan xubnaha Golayaasha degmooyinka.

Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa ku horeeya degmooyin badan, isagoo helay tirada ugu badan xubnaha golayaasha marka xisbi ahaan loo xisaabo, laakiin labada xisbi mucaarad marka la isku daro ayaa ka horeeya xisbul xaakimka.

Waxaa la doortay ila 100 ka mida kuraasta Golayaasha degmooyinka, waxaana xisbiga Kulmiye oo ugu horeeya uu helay 59 kursi, Waddani oo ku xiga ayaa helay 43 kursi, halka UCID uu helay 27 kursi:

Hoos ka akhriso 13-ka Degmo ee lagu dhawaaqay natiijada:

1. Zeylac
2. Lughaya
3. Sallaxley
4. Buuhoodle
5. Laas Caanod
6. Xudun
7. Taleex
8. Gar-adag
9. Sheekh
10. Ceel Afweyn
11. Oodweyne
12. Caynabo
13. Balli-gubadle.

Golayasha Wakiilada Degmooyinka, waxay saddexda Xisbi u kala heleen sida soo socota:

Baligubadle:
Kulmiye  4 
Waddani 3 
Ucid  2

Ceel-afwayn:
Kulmiye 5. 
Ucid 3. 
Waddani 3

Oodwayne
Waddani: 6. 
Kulmiye 4. 
Ucid 1.

Caynaba:
Kulmiye 4. 
Ucid 3. 
Waddani 2.

Sheekh:
Ucid 3. 
Kulmiye 3. 
Waddani 3

Buuhoodle:
Waddani 5.
Kulmiye 4.
Ucid 2.

Laascaanood:
Ucid 3. 
Kulmiye 5. 
Waddani 5.

Taleex:
Kulmiye 6. 
Waddani 3. 
Ucid 0

Sallaxley:
Kulmiye 4. 
Ucid 3. 
Waddani 2.

Xudun:
Kulmiye 7. 
Waddani 2. 
Ucid 0.

Lughaya:
Kulmiye 5. 
Waddani 2. 
Ucid 2.

Saylac :
Kulmiye 4. 
Waddani 4. 
Ucid 3

Gar-adag:
Kulmiye 4. 
Waddani 3. 
Ucid 2

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!