Naceeybka Warbaahinta Iyo Wariyayaasha ee Villa Soomaaliya oo Banaanka iskeenay Iyo Cabarurin Xamar Ka Jirta (VIDEO)

Reading Time: < 1 minute

Wariyayaasha Soomaaliyeed  gaar ahaan kuwa ka howl-galo gobolka Banaadir ayaa waxaa ay hada la kulmayaan cadaadiskii ugu xooganaa ee ugu imaanaya Kooxda Nabad iyo Nolol taasi oo aan ogoleeyn in runta laga sheego waxyaabaha aan maangalka aheeyn ee ay lugaha la geleeyso.

Cabburiska lagu hayo saxaafadda madaxa bannaan, waxaa sii dheer ku tumashada xuquuqda bini’aadamka, sharafka qofka muwaadinka ah iyo shuruucda dalka u degsan, oo taliska fadhiya Villa Somalia uusan ku dhaqmeynin.

Sidaas awgeed, ummadda Soomaaliyeed, waa inay ka gadooddaa dhaqanka keli-talisnimada ah ee uu ku dhaqmayo Farmaajo iyo r/wasaarahiisa.

Waxaa kale oo jira in Maanta Wariyayaal kasoo warami lahaa dhagax dhig uu sameeynaayay R/wasaare kheeyre si aan wanaagsaneeyn loola dhaqmay iyadoo xabadka dhulka loo dhigay.

Intaasi ka dib Wariyayaasha ayaa afka furtay waxaana ay sheegeen dhibta loo geeysanaayo iyadoo intaas oo idil loo sameeynaayo ma sheegina xaqiiqda.

Kheeyre iyo Farmaaajo ayaa maalin qura cadeeyay naceeybka ay u qabaan Warbaahinta iyo wariyayaasha.

https://youtu.be/dRgSbAbSCX4