Nabadsugida Jubaland oo soo bandhigtay Nin toogasho kagaystay Magaalada Kismaayo

Reading Time: < 1 minute

Taliska hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhintay Nin ka tirsan Al-shabaab, kaasi oo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku dilay Askari ka tirsan Ciidanka Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay NISA Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ninkan lagu soo qabtay howlgal Ciidanka Jubbaland ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Kismaayo.

Sioo kale Jubbaland ayaa sheegtay in ninkaas markii uu dilay Askariga uu horey uga qaatay qorigii uu watay,  hayeeshee markii dambe Ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen.

 “Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigtay ninkan isagoo daba gal lagu hayay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska NISA Jubbaland.

Ninka la qabtay ayaa waxaa uu dilay askari ka tirsanaa ciidanka ammaanka oo la oran jiray Maxamed Yare kana qaatay qorigiisii 48 saac ka hor.

“NISA Jubbaland oo baaritaan ku waday ayaa soo qabatay ninkan iyo qorigii uu ka qaatay askarigii uu gaadmada ku dilay, waxaana la soo taagi doonaa sharciga” ayuu lagu yiri qoraalka ka soo baxay NISA.