Nabadoonkii Diiday in Waceeysle ka Tanasulo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Dil ka badbaaday

Reading Time: < 1 minute

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimada Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in caawa kooxo hubaysan ay hoyga Magaalada Dhuusa-mareeeb uu ka deganyahay Cismaan Macalin Axmed ay weerareen.

Kooxda ayaa waxaa la sheegayaa in ay nabadoonka Khaarijin rabeen waxaana uu ka midyahay Cismaan Macalin Axmed saxiixayaasha Afarta ah ee Wecaysle gaar ahaan Cali gaaf waxaana laga sheegayaa in arintaa ay ka dambeeyeen Siyaasiin iyo odayaal ku beel ah ka dib markii uu  diiday in uu fuliyo dan gaar ah oo ay lahaayeen waxaana ragaasi ay u Adeegaan Kheeyre.

Kursiga Cali gaaf ayaa waxaa ka taagan muran xoogan waxaana kursigaa uu yahay kursiga 8aad ee Beesha ka maqan waxaana weerarkii caawa la sheegayaa in Xamar laga soo agaasimay uuna ahaa mid saxiixaha lagu dili rabay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!