Nabadoonadda Puntland gaar ahaan nabadoonadda ka soo jeeda deegaanka gobolka Nugaal oo maanta shir isugu yimaadeen magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa waxa ay shirkooda uga hadleen khilaafka madaxda sare ee Puntland soo kala dhexgalay ,kaddib markii dhawaan ay soo kala magcaabeen Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa laba Guddi oo ka shaqyn doona xallinta khilaafaadka iyo Anasixinta golaha wakiilada Puntland.
Nabadoonadda ayaa muujiyay walwal ah in isfam la’aanta dhinacayda isku haysta siyaasada ay keeni karto in ay did u dhac ku sameeyso horumarka ka jira Puntland. Nabadoonadda ayaa ku baaqay in la xal dhaqso ah loo helo khilaafka u dhaxeeya madaxada sare.