Nabadoon Maxamed Cali Jaamac oo kamid ah nabadoonada aad looga qadariyo deekaanka Jubbaland ayaa sheegay in lagu been abuurtay ka dib markii sawirkiisa la soo galiyay baraha bulshada iyada oo la sheegayo in la dilay.
Nabadoon Maxamed oo la hadlay warbaahinta Jubbaland ayaa beeniyey geerida lagu sheegay isaga. Hadalka la faafiyay ayuu ku tilmaamay mid lagu wiiqayo amaanka Jubbaland. Nabadoonka la dilaya ayaa lagu magacaabo jiray Ibraahim Cabdiqaadir Xasan (Jareer).
Dhanka kale waxa lagu qabtay magaaladda Kismaanyo shir looga hadlayay arimaha amniga Jubbland oo uu shir gudoominaayay Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur. Wasiirka ayaa ka hadlay ahimiyadda amniga iyo adkeynta nabadgelyada.