Sida ay sheegeen goobjoogayaal, kooxo ku hubeysnaa Bastoolado iyo qoryaha fudfudud ku hubaysan ayaa maanta degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed dilay Nabadoon ahaa oo kamid ah dadka deegaanka. Goobjoogayaal ayaa intaa ku daray in rag dhalinyaro oo hubeysan ay nabadoonka toogteen, xili uu sugnaa xaafad ka tirsan degmada Buur-hakaba, uuna u geeriyooday rasaas qeybaha jira looga dhuftay.
Dhanka kale dad aqoon u lahaa nabadoonka la dilay ayaa magacaabiisa ku sheegay Maxamed Isaaq oo loo yaqaanay Malaaq Gamber oo kamid ahaa dadka deegaanka degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay. Ragii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta isaga tegay, isla markaana waxaa daqiiqado kadib halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada iyo qaar kamid Ehelada Marxuumka oo qaaday Meydkiisa.