Iyadoo wali ay xiran yihiin jidadka waa weeyn ee caasimada islamarkaana maalin walbo ay dhacayaan falal amniga lidi ku ah ayaa waxaa arrinkaasi walaac ka muujiyay waxgaradka Soomaaliyeed iyagoo eedeeyn u jeediyay dowlada.
Nabadoo Cali Xassan Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in howshii xukumada ay gashay jahwareer taasna ay sabab u tahay waxyaabaha dhacaya.
Wasaarado muhiim ah ayuu sheegay nabadoonku in ay noqdeen howl-geb taasna ay noqon karto sabab kale,waxaa uu xusay in dowlad wanaag iyo wadashaqeeyn aysan jirin.
Wax-garad ,cuqaal iyo shacab waxaa ay hada quus ka joogaan dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.