Nabadoon Caawa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Reading Time: < 1 minute

Warar hadda iga soo gaaray magalada Gaalkacyo ayaaa sheegay in kooxo hubaysan ay dileen nabadoon Cabdiqani Baale oo ka mid ahaa nabadoonada sida weyn looga yaqaano Maagalada Gaalkacyo.

Nababdoonka ayaa la sheegayaa in la dilay caawa saladii cisha xilli uu ka soo baxay kuna sii jeeday hoyga uu Gaalkacyo uu ka dagan yahay.

Dilka ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay xaafada israac ee waqooyiga Gaalkacyo iyadoona kooxii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Gaalkacyo ayaa bilihii ugu dambeysay ka nasatay dilal loo geynayo dad wax ku oolka ah ee ku nool magalada.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!