Nabadoon caana oo xalay koox hubeysan ku dileen Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Allah ha unaxariistee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay Nabadoon Yuusuf Daahir Khayre (Yuusuf Dhoore) kaas oo ka mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed ee muddada dheer ka shaqeynayay nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

Goob joogayaal ayaa sheegay in koox ku hubeysan bastoolo ay degmada Hodan gaar ahaan Xaafada NBC ku toogteen Nabadoonka, iyagoo dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha sare ee jirka, xili uu ku sugnaa halkaas.

Waxaa la sheegay in nabadoonka dhaawaciisa durba loola cararay isbitaalka Erdogan ee Ex Digfeer ee Magaalada Muqdisho, balse uu u geeryooday dhaawicii cuslaa ay u geysteen kooxdii hubeysaneed, kuwaas oo goobtii ay ku rasaaseeyen nabdoonka iskaga baxsaday si nabad ah.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa dilka Nabadoon Yuusuf Dhoore, balse warar ayaa sheegaya in Nabadoonka uu ka mid ahaa Odayaashii Dhaqanka ee soo xulay ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Sida caadada ah ciidamo ka tirsan kuwa laamaha ammaanka ayaa gaaray goobta lagu dilay Nabadoon Yuusuf Daahir Khayre (Yuusuf Dhoore) oo ka mid ahaa Nabadoonada Soomaaliyeed, iyagoo halkaas ka sameeyay howlgalo baaritaano oo aysan kusoo qaban cidna.

Magaalada Muqdisho inta badan waxaa dil loogu geystaa Odayaasha Dhaqanka iyo ergada soo dooraneysa Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana mas’uuliyada dilkooda sheegta Ururka Al-shabaab, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan iska saarin wax mas’uuliyad ah maadama laf dhabar ay u yihiin dowladnimada Soomaaliya sidaas owgeedna loo beegsanayo.