Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo markii hore qorshaynayay in uu dhulka mara ayaa saacadihi ugu danbeeyay go’aansaday uu diyaarad uga dhoofo Garoonka Diyaaradaha Gen.Maxamed Abshir, kadib markii uu fashil ku idlaaday Shirkii Wadatashiga ee ka socday Magaalada Garoowe.
Waxaa si heer sare ah ugu sakootiyay Madaxweynihii hore ee Puntlanad Faroole, xubna ka tirsan Golaha Barlamaanka qaranka iyo qaar kamid ah wasiirada DG Galmudug ayaa Ka sagootiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Garowe.Madaxweynaha oo saxaafada kula warbaahinta Galmudug ayaa si kooban uga hadlay sababaha keenay in burburka shirka wada-tashiga.