Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay kalfadhiga 2-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu la kowsaday laba caqabadood oo kala darran, markii uu xafiiska mar labaad qabtay May 2022.
Labada caqabad ee uu shaqada Xafiiska Villa Somaliya ka bilaabay ayuu ku sheegay dagaalka Alshabaab oo cadaadis ku hayey dadka Soomaaliyeed iyo Abaar culus oo dalka ka jirtay.
“Waxaan Madaxweyne ahaan soo waayey jid aan ahayn inaan difaacno karaamadeena, Qaranimadeena iyo sharafteena. Wuxuu dalku ku sugan yahay waa inaan u midowno dagaalka Khawaarijta..” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu bogaadiyey xildhibaannada hoggaanka u noqday dagaallada lagula jiro Alshabaab, isagoo sheegay inay muujiyeen meteladaada dhabta ah ee shacabka, ayna tahay arrin lagu bogaadiyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu khudbadda uu u jeediyay labada Aqal ee Golaha Shacabka wuxuu ku sheegay in halganka maanta socda uu dhali doono geesiyaal ay taariikhdu qori doonto, ayna iyaga yihiin kuwa laga rabo unay taariikhda galaan.