MW Xasan Sheekh: Somali Heshiis ah Dunida la Heshiis ah” Waxaanu ka bilaabay KG.

Reading Time: 3 minutes

Ma ahayn erayo afgobaadsi ah sida lagu yaqiinnay siyisiiyiinta Somalida ee Kursidoonka ah ee waxay ahaayeen erayo loogu talagalay in si masuuliyad ah loo qaato, dalkana lagu hogaamiyo. Guusha uu ka soo hooyey MW Xasan sheekh KG waxay muujineysaa in ay ka go’antahay in dalkaan uu noqdo dad iyo dal iswada qaata oo danahooda ka shaqeeya, khilaaf walbana ku dhameysta wadahal.

Dadaal iyo xiriirro aan kala go’o lahayn kadib, bulashada KG waxaa uu  kala shaqeeyey inay wax waliba ku dhameystaan wadahal iyo is afgarad buuxa oo ay ku wada raalli yihiin.

Hogaamiyaha dhabta ahi waa kan dadkiisa mushkiladahooda u taagan xallintooda haddey xoog tahay sida tan shabaab iyo haddey nabadeyn tahay sida tan KG iyo haddii kale ay jiraan meelo kale oo uu wax ka gali karo.

Dhinaca kale dad badan ayaa waxay ku doodayaan maxaa muddo kordhin loogu  ogolaaday MW Laftagareen?, maadama uu Xasan sheekh horay u diiday? Su’aashu waa sax  laakiin aan eegno xaaladaha.

Xelligii MW Farmajo waxaa uu diiday in wadahadal lala galo oo wax lagula heshiiyo, xataa waxaa bannaanka yaalla muuqaallo uu Xasan Sheekh leeyahay kordhinta lafteeda ayaa rabnaa inaan kaala hadallo ee nala hadal. Laakiin maanta reer KG waxay muddo kordhinta Laftagareen ka galeen wadahal dheer oo waqti badan qaatay, waxayna isla garteen in dagaal la galo oo ay ciidan adeegsadaan iyo in hal sano oo la isla ogyahay lakala doorto kan dambe ayey doorteen.

Muxuu ahaa  doorka MW jamhuuriyadda?  Wuxuu ahaa ka odayeyn iyo in aan shirka lagu kala tagin iyadoon wax lagu heshiin oo aan laga dhabeyn Somali heshiis ah…. 

Marka labada arrin ee diididda kororsiimadii Farmajo iyo tan Laftagareen waa kala duwan yihiin qofkii xaq raba. Xataa haddii intaas ka dheer ay ku heshiin lahaayeen reer KG MW Xasan Sheekh boos ugama banaaneyn, inuu heshiiskooda raaco maahee, waayo waa dadkii ay hoos u khuseysay arrinka. Waa jirayaan dad aan ku qanacsaneyn, laakiin waa dimoqraadiyad oo waa laga batay, iyana waa inay raacaan si beeri loo raaco markey cod dheeri wax ku helaan.

Shacbiga Somaliyeed waxaa muhiim u ah inay doorkooda qaataan oo aysan waqti isaga luminin ku tiri ku teen ee ay xisaabiyaan guulaha la gaarayo maalin walba sida magaalooyinka iyo degaannada Shabaab laga xorreeyey, dhameystirka deyn cafintii doorkii hore la soo bilaabay, dhameystirka Soo celinta hawada oo doorkii hore la soo bilaabay, shirarkii qiimaha badnaa ee Xamar lagu qabtay sida in la isu keeno culimo dagaal diimeed xoog leh oo afka uu ka dhaceeyey lana dhameeyo, kii madaxda waddamada safka hore ee ciidankooda noo dhimanayo iyo guusha weyn ee laga gaaray xallinta iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee KG oo gacan ka hadal gaaray, qarkana u saarnaa dagaal uu dhiig ku daato.

Isku duub Somaliya way dhaqaaday, hogaankeeda wuxuu dadaal ugu jiraa inuu ka dhabeeyo hal ku dheggii doorashada uu ku galay ee ahaa” Somali Heshiis ah Dunidana heshiis la ah”. Haddaba adiga maxaa kaala gudboon ma inaad baraha bulshada ka caaytanto  si aad kugu taxanayaal badan u hesho, misa inaad dadkaaga iyo dalkaaga daacad u noqotid oo aad xumaanta iyo wanaagga u kala saartid? Kala dooro inta aad waqtiga haysatid.