MW Xasan Sheekh oo xalay la shiray Gudoonka Golaha Shacabka! Maxaa ka soo baxay?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu uga warbixiyey halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay udub-dhexaad u yihiin qorshaha dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, maadaama ay wakiil u yihiin shacabka Soomaaliyeed ee la rafaadsan dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan argagixisada Khawaarijta ah ee Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday gudoonka baarlamaanka inay ka hortagaan mooshinka la doonayo in xilka looga xayuubiyo Xildhibaanad Sacdiyo Samatar isaga oo sheegay inay xiligaan oo ay dowladu ku jirto dagaalka A Shabaab ayan wanaagsanayn in mooshin la qabto.

Waxaa kale uu u sheegay gudoonka in  xiligaan beesha caalamka ay danaynayso in halka gabar ee kamida hogaanks sare ee baarlamaanka aan shaqada laga ceyriyo. Waxa uu iu daray in hadii Sacdiyo la ceyriyo ay taasi ay keeni karto in dhaqaalha dowlada la siiyo laga goosto.

Waxa uu sidoo kale oo ka codsaday hogaanka Baarlamaanka inay hakiyaan la xisaabtanka madaxda Amniga xiligaan dagaalka lagu jiro gaar ahaan Mahad Salaad iyo Janaraal Odowaa, taas oo uu u sheegay in ay dhiirgalin siin doonto kooxda Al Shababaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku boorriyey Guddoonka iyo Xildhibannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay dardar-geliyaan ansixinta sharciyada iyo siyaasadaha hortabinta u leh dowladnimada ee Xukuumaddu ay u soo gudbinayso, lana xoojiyo wada-shaqeynta goleyaasha dowladda.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeennada Koowaad iyo Labaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir.