MW Xasan Sheekh oo Wada Kulammo logu Adeegayo Dalka.

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah safiirada Carbeed, gaar ahaan kuwa wadamada Qatar iyo Sacuudiga.

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa hoygiisa ku qaabilay safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad iyagoo ka wada-hadalay danaha labada dal.

Kulankan ayaa sidoo kale ujeedkiisa waxa uu ahaa salaan iyo Hambalyo uu safiirka la wadaagay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha cusub ayaa maanta la kulmay safiirka Qatar u jooga Soomaaliya Danjire Hassan bin Hamza Hashem, isaga oo ka guddoomay hambalyo iyo salaan.

Kulamadan ayaa qayb ka noqonayo shirar uu maalmahan dambe Madaxweynaha ka wado magaalada Muqdisho, si uu u sameeyo wada-tashiyo ka hor dhismaha dowladdiisa cusub.

Guusha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn looga falceliyey, waxaana soo dhoweeyey dowladaha dariska iyo kuwa caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.