MW Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo Dhaweeyey Abu Dhabi.

Reading Time: < 1 minute

Waxaa dib u soo noqoneysa sharaftii ay Somaliya dunida ku dhex lahayd kadib markii dadka SOmaliyeed ay isbadal kusameeyeen hogaankooda 15kii May 2022, kadibmarkii ay dib u soo ceshadeen hogaan horay u soo maray hogaamita dalka  sida MW Xasan sheekh, Gudoomiye Sh Adan Madoobe iyo Gudoomiye Cabdi Xashi.

Durababa waxaa laga arki karaa goosha isbadalkaas meelo badan sida:

  1. Dalka Imaaraadka oo Madaxweynaha Xasan Sheekh u soo dhaweeyey si aan weligeed loo soo dhoweyn MW Afrikaan ah oo waxaa dayuuradda hoosteeda ugu tagay wakiilka Boqorka kana mid ah Qoyska  reer Aala Nahyaan, Sheikh Shakhbut Alnahyan, iyadoo ay salaam sharaf siiyeen ciidanka boqortooyada dalkaas, waana Sharaf u soo hoyatay Somaliya oo u muuqataa inay ka soo baxayso xabsigii korka ka furnaa ee Erateriya iyo Itoobiya oo ay 5 sano ku jirtay iyadoo Qatar ay kor ka ilaalineysay.
  2. Arrinta kale ee Faraxadda leh waxay in taariikhda arkii ugu horreysay ilaa gobananimada in dalka maata ay Madaxweyne k/Sime ka tahay Gabar Somaliyeed oo ah Marwo Sacdiyo Yasin Xaji Samater.
  3. Dalka Kenya oo maalin dhowed khalad diplomasiyadeed oo ka dhacay ka noqotay  kadib markii ay ogaatay in hogaanka cusub ee Somaliya ay mar waliba yahay mid og tallaabada uu qaadayo marka laga soo bilaabo tii badda kuna shaqeyneysa Somali heshiis ah dunidana heshiis la ah.

Haddaba guulaha is dabajoogga ah  waa in ay shacbiga fahmaan in jid saxan la hayo, lagana rabo inay garab istaagaan dowladooda haddii ay tallaabo saxan qaado, qabtaanna marka ay khaldanto maadaama ay dowladdani tahay mid shacbigeeda dhageysaneyso sida ay shheegeen, kuwaas oo bilaabay in madaxdtooyada ay qabato kulan saxaafadeed joogto ah oo su’aalo lagu weydiinayo.