MW Xasan Sheekh oo shaaciyey xalka caqabadaha haysta Soomaalida

Reading Time: < 1 minute

Caqabadaha nololeed ee ku xeeran shacabka Soomaaliyeed waxaa aas-aas u ah mideynta hanaanka maaliyadeed iyo amni ee dalka, sidda uu shaaca ka dhigay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkan ayuu ka dhawaajiyay kadib markii uu shalay uu kormeeray Hay’adaha iyo Wakaaladaha Horumarinta Biyaha, Waddooyinka iyo Maareynta Kheyraadka, Maamulka Bangiga Dhexe iyo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka heer dowlad-goboleed ee Puntland.

Kormeerkan waxaa ku wehliyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Ku-xigeenkiisa, Axmed Cilmi Cismaan iyo mas’uuliyiin kale oo kamid ah wafdiga uu ku gaarey magaaladda Garowe.

Sidoo ale, Madaxweynaha ayaa kormeeray xarummaha Wasaaradaha Maaliyadda, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Puntland.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah qorshaha Madaxweynaha ee xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, xog-ururinta duruufaha ku xeeran deegaannada dalka, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xaqiijinta midnimada iyo wax-wada lahaanshaha shacabka Soomaaliyeed, sida ay sheegtay Villa Soomaaliya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa loo soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, saameynta isbeddelka cimilada iyo deegaanka, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wadajir loogu istaago samata-bixinta dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay ka jiraan abaarahu,” ayay raacisay warbixinta.

Madaxda Xarummaha iyo Wasaaradaha heer dowlad-goboleed ee uu kormeeray ayuu kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaataan dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Kormeerkan waxaa Madaxweynaha ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Abshir Cumar Huruuse, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.