MW Xasan Sheekh oo shaaciyey Baaritaan ku socda Saraakiil Lacag ku qaadatay sii deynta Qaraxyada

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in si cad u sheegay in Baabuurta Qaraxyada ee Muqdisho soo gala ay inta badan soo daayaan saraakiil ciidan, ayna sabab u tahay Musuqmaasuq.

Isagoo ka hadlayey xuska Maalinta Booliska ayuu Madaxweynaha ka sheegay inaysan suuragal ahayn in Gaari la naadiyey inuu qarax sido uu kasoo gudbo 3 iyo in ka badan oo bar ciidamo ah, kadibna is qarxiyo.

”Fulay xantiisa ma mooga Qaraxyada magaalada Muqdisho ka dhaca Baabuurta Ciidamada ayaa lagu soo galiyaa, Saraakiil ayaa Checkpointi-yada ka soo fasaxa oo Askarta amar siiya, meel cidla ah la iskama xanto” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu Madaxweynaha shaaca ka qaaday inay jiraan saraakiil kala duwan oo ka tirsana ciidamada dowlada oo loo qabtay oo hadda baaristooda ay socoto, ayna la kaashadeen hay’ado Ajnabi ah, oo la ogaaday inay soo daayeen Qaraxyada, lacago qaateen, soona daayeen Qaraxyo, kuwaas oo lagu daba jiro.

“Markaa qarax soo deyso, ay dad shacab ah ku baaba’aan, ogoow adiga ayaa dilay dadkaas, kan is qarxiyay ma dilin” ayaa ka mid ahaa khudbada Madaxweyne Xasan Sheekh.