MW Xasan Sheekh oo Muujiyey Kalsoonida uu ku qabo Shacbigiisa Markii laga helay COVID -19

Reading Time: 2 minutes

MW Xasan Sheekh oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Imaaraadka ayaa laga helay astaamaha cudurka COVID-19, waxaana uu sheegay inuu caafimaad qabo oo u is habsami ah u gudan karo hawshiisa.

Qoraal uu bariisa Facebook soo dhigay ayuu ku sheegay MW Xasan sidan:

Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19.Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19.Waad ku mahadsantihiin ducadiinna iyo garab-istaaggiinna.Allaa mahad leh.

Laakiin arrinka mudnaanta ee leh ee in wax laga yiraahdo ay tahay waa:

  1. Kalsoonida uu MW Xasan sheekh ummadiisa ku qabo inuu la wadaago runta si kasta oo ay u adag tahay una qaraar tahay.
  2. Xiriirka joogtada ah ee uu la leeyahay dadkiisa oo uu mar waliba la wadaago wax kasta oo munaasib ah.
  3. Inuu yahay shakhsi muujinaya inuu yahay mid ka mid shacbiga, lehna shucuur tooda la mid ah, una baahan ducadooda iyo inay garab istaagan markasta iyo goor kasta.
  4. Inuu yahay shakhsi mideeya dareenka ummadda oo waxaad arkeysaa in cid waliba ay u soo doceysay, kuwaas oo ay ku jiraan NN oo qaarkood ay saacado ka hor lahaayeen waa dhintay iyo waa sakaraad, kuwana ay ka been sheegayeen inuu saffaro dhuumasho ah ku tagay Isra’iil.

Abwaan Guure oo ay Somalida ku taqaanno heerka ay waddaniyadiisu gaarsiin santahay ayaa tex gaaban ku sifeeyey maanta Xasan Shekh Maxamuud, wuxuuna yiri Abwaan Guure:

XIL-SIDEEN LA WADAAGA

BULSHA WEYNTA XOGTIISA

IYO XAALADDA TAAGAN

WAA XABIIB KALSOONIDA

UMMADDIISA XURMEEYEE

ALLOW XANUUNKA KA QAAD

MA XISHOODO KAROONEE.

Dhinaca kale,  waxaan aad ula yaabay wanaagga iyo macaanaanta dadka Somaliyeed marka qofkoodu uu isu dhiibo sida ay ugu calool furmaan, oo ay ula qeybsadaan xaaladda uu ku sugan yahay. Maantana waxay muujiyeen dareen shucuur walaalinimo iyo muslinnimo leh oo  wax ka yar dhowr daqiiqo ayaa 20, 000 oo qfo ay u soo duceeyeen inuu caafimaad degdeg ah uu rabbi siiyo MW Xasan Sheekh.

Haddaba Madaxdweynaha waxaan leenahay  dadku waa ku jecel yahay waxa kaliya ee qaarkood kuu xagxaganayaan waa inaad dhaanka meel fiican aad ku furtid oo waa haka badiyo.  

Somalida waa dad fiican, oo qalbi fiican, laakiin caadifiyiin ah oo aan wax badan ku xugmin xisaabtan, su’aalo  iyo sababaha la xiriira waxa ay go’aan ka gaarayaan, waxaana la rabaa sabab walba in daliilka xukunkeeda la saaro. Waan jecelahay Madaxweynaha ama waa necebahay oo aan xaqiiq ku dhisneyn ee lagu dhisay waa la yiri iyo waa la sheegayey qaranka ayey naga halligeysaa, hogaamiyahana ka dhigeysaa mid wuxuu rabo iska sameeya maadaama uu og yahay inay dadkau caadifad ku shaqeynayaan.

Annagoo ka wakiil ah dhammaan akhistayaasheenna mucaarid iyo muxaafidba leh waxaan rabbi Jalla Jalaaluhu kaaga baryeynaa Cafiimaad deg ah madaxdwyne, xanuunkna yarna uu ku dareesiiyo inay caawaba jiraan kuwa oo walaalo Somaliyeed ah oo la il daran xanuunkan laakiin aan heli Karin kaalmo, duco iyo kalkaalada ay ugu baahan yihiin si ay uga badbaadaan.

Sidaas darted, waxaa rabbi ka baeyeynaa inuu kugu kaalmeeyo inaad u hawlgasho sidii qof walba oo Somali ah uu u heli lahaa daaweyn buuxda iyo la tacaalka cududrrada, gaar ahaan kuwa ay dandarrada iyo nadaafad xumida keento ee haddii la midoobo la awoodo in wax badan laga qabto.

Ugu dambeyn waxaan ducadeenna ku biirineynaa dhamaan shacbiga u duceeyey MW Xasan Sheekh iyo dhammaan inta uu cudurka haleelay Caafinmaad degdeg ah inuu Allah siiyo. Aamiin.