MW Xasan Sheekh oo ku wajahan magaalada Boosaaso? Maxa soo kordhay?

Reading Time: < 1 minute

Sida laga soo xigtay warbaahinta Puntland, Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan xarunta ganacsiga dowlad Goboleedka Puntland ee Boosaaso,

MW Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa inuu u tagayo xarunta gobolka Bari si uu uga qeybgalo daahfurka mashruuc lagu balaarinayo garoonka diyaaradaha magaaladan dekadda leh. Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay shabagada Garowe Online in qandaraaska balaarinta ay wada fulinayaan shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta iyo xubno ka tirsan qoyska madaxwayne Saciid Deni.

“Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga yaabaa in mudada uu joogo Boosaaso uu kormeero xerada ciidamada PMPF halkaasoo ay u badan tahay in tababar looga furo ciidamo heer federaal ah,” ayuu GO sheegay qof ka warqaba qadiyadan.

Ciidamadda Puntland Marine Police Forces – PMPF – ayaa waxaa si gaar ah u tababaray Imaaraadka Carabta. Waajibaadkooda waxaa kamid ah sugida amniga iyo la dagaalanka argagixisadda. Socdaalka Xasan Sheekh ee Boosaaso ayaa kusoo beegmaya xilli bilooyinkii lasoo dhaafay ay Abu Dhabi kordhisay joogitaankeeda xarunta gobolka Bari halkaasoo ay geysay ciidamo dheeri ah.

Sawirro iyo muuqaalo lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa muujiyey diyaarado milatari oo garoonka Boosaaso kasoo dajinaya gaadiid gaashaaman iyo teedhooyinka guur-guura. Talaabadan ayaa kusoo hagaagaysa xilli Puntland ay bilooyinka soo aadan galayso xaalad kala guur ah maadaama uu gabaabsi yahay muddo xileedka Deni ayna shacabka uga digeen damaciisa ku darsiga.