MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Garoowe & wafdi horudhac u ah oo gaaray

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la filayaa in dhawaan uu tago magaalada garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May ee sanadkaan 2022.

Magaalada garoowe waxaa Maanta gaaray wafdi horudhac u ah safarka Madaxweynaha, kaas oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Dowladda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Ujeedada safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagayo magaalada garoowe ay tahay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii la doortay waxaa uu horay u tegay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo, isaga oo kulamo la qaatay Madaxda Maamuladaas ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen).