MW Xasan Sheekh oo Fuliyey Ballantii uu u Qaaday Waalidkii ay Ilamha ka Maqnaayeen.

Reading Time: 3 minutes

Sida runtu tahay maanta iyo maalintii aan Xabadka MW Xasan sheekh ku ooyanayey iyo maanta aad ayaan u kala duwanahay” ayuu  yiri markale isagoo farxad la imeynaya Aabe la kulmay MW Xasan Sheekh isagoo maalmo yar madaxtooyada joogay.

Wuxuu yiri shalay caloolxumo, murugo iyo inay aaduun iiga dhammaatay ayaan la ooyanyey oo wiilkeyga aan ku soo tiir iyo tacab beelay ayaa iga maqnaa geeri iyo nololna aan midna ku ogeyn, hasa yeeshee maanta ilamada Faraxad ayey iiga soo daatay kadib markii ay dayuuraddii u horreysay ee sida caruurteennii oo ciidan ah oo naga maqneyd ay soo caga dhigatay dhabaha dayuuradaha haddaan ee Muqdisho.

Sida la ogyahay,  MW Xasan sheekh ayaa inuu baadigoobayo u ballanqaaday hooyooyin, Aabayaal, walaalo, Xaasas iyo caruur ay ka mqnaayeen dhallinyaro ay dowladdii Farmajo, Xasan Kheyre iyo Fahad ka wadeen Xamar, laakiin aan cid og jirin meel ay geeyeen. Muddadii  ay talada ku sugnaayeen xataa waxaa laga waaysanaa war noo sheega halka ay joogaan iyo waxa ay ku sugan yihiin caruurteenna.

Mararaka qaar,  warar iskhailaafsan ayaa sheegayey in Yamen iyo Dagaalkii Tigraay loo isticmaalay, mana jirin cid rumeyn karta ama beeneyn karta warkaas wuxuuna waalidiinta caruurtaas ku abuuray walaac weyn oo ay ka seexan waayeen muddo dhowr sano ah, hasa yeeshee isla markii uu xafiiska yimid MW Xasan Sheekh wuxuu ballanqaaday laba qodob:

Tan koowaad: Inuu si dhkhso ah war ugu keeni doono, una  booqan doono meelkasta oo ay ku sugan yihiin caruurtaas. Wuu ka dhabeeyey wuxuuna booqday laba jeer iyadoo waalidkii dhalay loo fududeeyey inay caruurtooda la xiriiri karaan.

Tan labaa: Wuxuu ballanqaaday inuu dalka ku soo celin doona marka ugu horreysa oo ay suuragal tahay, taana waa ka dhabeeyey oo waxaa hadda si isdaba joog ah meel aan naga fogeyn uga soo dagay dayuurado sida dhallinyaradaas oo maanta ciidan ahaan u tababaran.

MW Xasan waxaa kale uu sameeyey inuu si buuxda ugu mahad naqatay dowladda Erateriya oo dhallinyaradaas noo tababartay iyo ciddii ka qeyb qaadatay.

MW Xasan Sheekh marki uu xafiiska Ła wareegay waxaa u furnaa inuu kala doorto:

  1. Inuu arrinkaas ka aamuso ooyinta waalidkaasna iska dhega tiro sidii MW hore ee Farmajo iyo dowladii Kheyre oo aan maallina soo hadal qaadin meeshii ay ku shubeen dhalinyaradaas, taas oo haddii ay xukunka ku soo noqon lahaayeen maanta keeni lahayd dhibaatooyin badan sida: a) In caruurtaas la iibsado oo ay dunida uga shaqeeyaan sidii calooshood u shaqeystayaasha la soo kireysto, illeyn cid iyo dowlad ka daba qeylineysay ma jirine. b) Inay qaarkood dalka ku soo noqdaan oo ay ku biiraan aragagixisada waayo waa dhallinyaro la xumeeyey oo cadaawad lagu beeray reerahoodiina laga jaray, isla markaana tababaran.
  2. Iyo Inuu dadaal weyn u galo kana dhigto arrimaha ugu horreeya uu qabanayo isla markii uu xafiiska soo fadhiisto, maadaama ay ka maqan yihiin dhallinyaro 5000 oo qaf ah oo xanuun waalidnimo yo mid hogaamiyenimo ku haysay.

Haddaba, MW Xasan waxaa uu qaatay qodobkan dambe oo waxaa uu go’aan ku gaaray inuu dadaal adag ku bixiyo inuu soo helo Meesha ay ku sugan yihiin, dalkana uu ugu soo celiyo sida ugu wanaagsan, waana guusha maanta la gaaray oo waxaa shalay, xalay iyo maantaba si qiimo badan dalka ugu soo noqonayey dhallinyaro u tababaran ciidanka Xoogga dalka Somaliyeed oo maant maaha  dhaalinayaro maqan oo la baafinayo ee waa ciidan ka tirsan sooma jeestayaasha Xoogga Dalka Somaliyeed.

Lama inkiri karo in hawshan bilowgeedii ay lahayd dowladdii Farmajo laakiin waxaa dood weyni kartaa ujeeddada ay ka laahaayen maadaama aysan u marin habraacii saxda ahaa, dadkooda iyo dhamaan ummada Somaliyeed laga qariyey markii habeen madow la qoray.

Waxaan maqallaa kooxo ka tirsanaa maamulkii Farmajo iyo taageerayaal  caay iyo aflagaado la taagan baraha bulshada oo leh maxaa loo soo celinayaa iwm. Waayaabe ma jid kale ayaa jira oo u furan MW Xasan sheekh iyo Dowladdiisa oo aan ka ahayn in la soo celiyo, lana hawlgeliyo, waayo waa dhallinyaro tababaran oo haddaan la meeleyn keeni kara dhib kale.

Sidaas darted, MW Xasan aad ayuu ugu mahadsan yahay arrintaan iyo sida uu u wajahay oo ah waddadii ugu saxneyd. Kooxaha caaytamaya waxaa haboon inay kala soocaan taaageero qof iyo mid qaran.

Dowladdii iyo hogaankii 5000 oo dhallinyaro dayacay Maxaa laga filan kari lahaa haddii ay talada ku soo noqon lahaayeen? Shabaab malala dagaali lahaa oo dalka ma laga xoreyn lahaa? Misa Dekadda Iyo Suuqa ayey ku ekaayeen oo ay Canshuur ka qaadi jireene sow caruurta iyo waayeelka  ma canshuuri lahayn 2023? Caruurtaansa mala ogaan lahaa, masa la soo celin lahaa maanta?