Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaqa u diray kooxaha ku dagaalaya Laascaanood. Waxa uuna ku baaqay in deg-deg loo joojiyo dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaartay dagaalka, iyo guud ahaan dadkii ku dhintay dagaalka.
Madaxweynaha ayaa ka gaabsaday in uu eedeyn u jeediyo Dowlada Somaliland, waxa uuna ka gaabsaday in uu carabka ku dhufto magacayada labada kooxood ee ku dagaalaya magaalada Laascaanood.
Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid ka dib markii shacabka Soomaaliyeed ay ku edeeyeeysay dowlada federalka inay ka aamustay xasuuqa ka jira magalaada Laascaanood.