MW Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo Doortay in uu noqdo Madaxweynihii 10aad

Reading Time: < 1 minute

Warsidaha Muqdisho Online ayaa markuu arkay hab dhaqan siyaasadeed ee Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu yahay shakhsi aan la saan qaadi Karin Dadka Somaliyeed, kuwaas oo dhaqaale ahaan soo korayay, siyaasad ahaan soo kacayey diplomasi ahaan soo nuurayey una muuqday qof aan hogaamin Karin  xelligaas adag . Runtiina waa la kufay Maxamed Cabdulaahi Farmajo Dalka wuuna niyad jebiyay Dadka Soomaaliyeed ee hammuun weyn u qabay Dowladnimada.

MOL Waxay hamabalyo u direysaa dhamaan shacbiga Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxyna Madaxweynaha Cusub iyo shacabka Soomaaliyeed in aan wada ilaashanno dalka, una naxariisano shacabka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay shantii sano ee hoggaanka dalka hayay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxdweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya cida MOL uu tooshka u saaran yahay  laga bilaabo caawa.

Waxaan leeyahay mudane waxa laguu aaminay waa danteenna kaana yeeli meyno inaan ku tumatid, ku takri fashid. Qofka Somaliga waa noo muhiim miskiin iyo maalqabeen kii uu yahay, daciif iyo qawi kii yahayba. Waxaan ku leenahay Rabbi uga cabso masuuliyadda.  

Waxaabn kuugu duceyneynaa inuu rabbi kula garab galo masuuliyadda, kugu ceebeyn.

Waxaan  caawa laga bilaabo qaadaneynaa inaan ka shaqeyneynaa inay noqoto 15ka May afartii sanaba maalinta Doorashada dalkeenna oo aan laga dib dhici Karin haddii aysan masiibo qaran jirin rabbi hana hayee. Doorashada xigtaa waa inuu Madaxweyney Xasan Sheekh Maxamud qabtaa 15ka May 2026.

Maamulka Dhamaan shaqaalaha iyo  akhristataayasha Muqdishio Online.