MW Xasan Sheekh Maxamuud oo Guulweyn kala soo noqday Booqashadii Itoobiya.

Reading Time: 3 minutes

Ilaa markii ay caga dhigteen caasimadda Itoobiya ilaa ay ka soo baxayeen waxaa loo muujiyey martisoor walaalnimo iyo qadarin dareen wadareed oo gobolka iyo darisnimada ku qotoma MW Xaasan Sheekh iyo Wfadigiisa.

RW Abiy waxaa uu sameeyey wax aad iyo aad isugu soo dhoweyn kara labada dal iyo labada hogaamiye oo aan iyaga is dooran inay deris noqdaan balse Allah Jalla jalaaluhu uu daris ka dhigay.

RW Abiy waxaa uu sameeyey kaaraameyn weyn oo xataa ka gudubtay xadka hab maamuska dowladaha ee u gudubtay mid walaalnimo. Gaariga MW Xasan ka qaaday garoonka dayuuradaha ee Bole international Airport waxaa gacantiisa ku waday RW Abiy sidii inuu yimid walaalkii muddo dal kale ku maqnaa.

Intii ay MW Xasan iyo Wafdigiisa Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya waxaa mar waliba dhinaciisa tagnaa ama fadhiyey RW Abiy oo u muujinayey in isaga iyo wafdigiisu ay yihiin marti walaaleed oo la jecel yahay.

Wixii aan idin ku jeedineynaa warmuriyeedkii ka soo baxay

1- In la kobciyo, lana xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab, kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midnimada labada dal.

2- Waxay ku celiyeen go’aankooda ah inay si wax ku ool ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah cadowga ay wadaaageen labada dal ee Argagixisadda iyo Xag-jirnimada, waxa ayna fareen hay’adaha amniga xoojinta iyo tayeynta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya.

3- Labada Hogaamiye waxay bogaadiyeen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Gobollada Soomaaliya, gaar ahaan duulaankii ugu dambeeyay ee ciidamada XDS ay ku qaadeen Al Shabaab.

4- Madaxdu waxay ugu baaqeen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in ay tixgaliyaan codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka in ka badan 30 sano, si loo xaqiijiyo in Ciidamada Soomaaliyeed ay dalkoodaa ka xoreeyaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

5- Waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la wada shaqeeyo, la yareeyo saameynta dibadda iyo faragelinta laga yaabo inay wiiqdo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo dadaalka wadajirka ah ee la dagaalanka argagixisada.

Si taas loo gaaro, waxay ku heshiiyeen in ay yeeshaan wada-tashiyo laba geesood ah oo joogto ah iyo in la iska kaashado golayaasha loo dhan yahay  iyo kuwa goboleedba, korna loo qaado danaha  guud ee ku salaysan is-xtiraamka labada dhinac iyo madaxbannaanida labada dal.

6- Waxaa la bogaadiyay Ciidamada Difaaca Itoobiya ee sida geesinimada leh ugu huray naftooda nabadda, xasiloonida iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

7- Madaxdu waxay xuseen in labada dal iyo guud ahaan dalalka gobolka ay soo foodsaareen abaaro soo noqnoqday iyo masiibooyin kale oo dabiici ah, kuwaas oo ay keeneen isbeddelka cimilada, khatarna ku ah nolosha dadka deegaanka.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay lama huraan tahay in arrimahan la iska kaashado, loona baahan yahay in la laba jibbaaro dadaallada looga gudbi karo caqabadahaas.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen saaxiibada caalamiga ah in ay sii wadaan taageerada bulshooyinka ay abaartu saameysey.

8- Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la kordhiyo deeqaha waxbarasho iyo tababarada ee Itoobiya ay siiso shacabka, shaqaalaha, ciidamada ammaanka iyo hay’adaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9- Labada hoggaamiye waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay balaarininta iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, maalgashiga, Isgaarsiinta, amniga iyo siyaasadda.

10- Madaxdu waxa ay fareen xafiisyada dawladda in ay sameeyaan guddiyada isku dhafka ah ee Wasaaradaha, sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, si looga doodo loona dejiyo tilmaamaha iyo hababka fulinta ee arrimaha danaha labada dhinac.

Haddaba Safarkaan oo uu galay MW Xasan Sheekh waxaa ka muuqata in waa cusub uu baryey labada dal oo uu midba kan kale aqoonsaday baahida uu u qabo iyo muhiim tahay inay dhinacyo badan iska kaashadaan sida Ammaanka, ganacsiga, Argagixisada iyo Siyaasad fargelin la’aaneed oo ku qotonta ilaalinta sharafta, xuduudaha iyo madaxd bannaanida siyaasadeed ee labada dal. Si warkaasu u caadaadana waxa la yiri war magaalo waraaq ayu uku yaallaa waa kan halkaan ku lifaaqan war murtiyeed oo Afka Inrisiuga ku qoran.