MW Xasan sheekh waxaa ka go’anayd sidii dalkaan loo dajin lahaa oo ay dadkiisa ugu noolaan lahaayeen nolol caadi ah oo shabaab la iska xoreeyo doorkiisii hore ee 2012-2016. Waxaasa lagu dhacay khalad weyn markii 2017 talada laga wareejiyey iyadoon la is warsan waxa laga yeelayo dagaalka uu shabaab berigaas kula jiray. 80% ayaa markaas Shabaab gacantooda laga bixiyey sida Mgaalooyinka Byadhabo, Kismaayo, Baraawe iyo kuwa kale oo badan.
Waxaa Markaas uu lahaa qof walba oo xil doonaya, qofkii lacag doonaya, kii ganacsi doonaya iyo kii aqoon doonaya waxay nooga dambeysaa marka aynu shabaab iska xoreyno.
Xasan Sheekh waxaa u degsanaa qorsho aad u weyn oo ahaa inuu dalka ka dhameeyo shabaab 2017-2019, hasa yeeshee inaggoon ka fiirsan ayaan waxaan ku badalannay hogaamiye hadal iyo hawlba laga waayey, kaas oo na yiri Shabaab caqiiddo ayey leeyihiin oo CXDS lama dagaali karaan waayo ciidankeennu caqiiddo ma laha, taas oo ay ahayd hal hayska ay ku dagaal gelinayeen dhallinta ay habaabiyaan ilaa maanta laga soo gaaray sidii iyagoo oranayey Ciidnaka aad la dagaali doontaa waa koox aan caqiiddo lahayn.
Haddaba waxaa qof kasta la gudboon inuu ka qeyb qaato dagaalka shabaab si dalkaan uu cagihiisa isugu taago, haddi kale dunida oo hadda la kala boobayo waxaan noqon doonnaa taariikh iyo Dad iyo Dal Somali la yiraahdo ayaa jiri jiray.
Khaldaad waa dhacayaan xilalkana lama wada sixi karo oo dadka qaar ayaa lagu khaldamayaa mark xil loo dhiibayo, waasa la sixi karaa, waana la hubaa inuu MW Xasan Sheekh u diyaar yahay inuu Meesha ka saaro shakhsiyaadka aan la socon Karin damaca dowladda iyo hiigsigeeda oo ah in ummaddaan dhibka laga saaro.
Sidaas oo kale Xasan sheekh waxaa uu quur iyo qadafba u qaataa sidii guusha weyn loo gaari lahaa loogana indha qabsan lahaa sandareertada iyo raaxada ka sokeysa si aan guusha weyn loo seegin.
Hogaamiyaha dhabta ahi waa kan qaadan kara go’aamo aan dadkiisa inta badan ku raacsaneyn maadaama ay culeys noqonayaan muddada dhow, balse ay keenayaan guul weyn muddada dheer.
Isla shaqeynta dowladda oo jidkasta loo maro lana ilaaliyo iyo magacaabista xilal waqtiga dhow loo eegay inay wax badan keeni karaan waa habdhaqan lagu yaqaanno madaxda indheergarad ah.
Isku oo duub hogaamiyaha dhabta ahi ma raaco waddo qof waliba raalligelisa ee waxaa uu raacaa waddo muddada dheer ka wanaag badan tan waqtiga gaaban, waxaana dawo qaraar loo cabaa inay kaa joojiso mid kale oo ka sii qaraar oo mustaqbalka ah.
Xamaza, Aden Madoobe, Cabdi Xaashi iyo Xasan sheekh waxaan leenahay horay u socda oo wixii hadda idin fahamsan ku wada hawsha inteenna kale waxaan idin fahmi doonnaa marka aad aan indhaheenna ku aragno waxa aad maanka ka sii aragtaan ee wanaagsan balsa annaga maanta naga qarsoon.
Gabagabdii Horumar Calool Adeyga hogaaminta Xasan iyo Xamza lagu keenay ayaa dalka muuqada waasa bilow ee aynu ka qeyb qaadanno inta aan fadqallaleyn lahayn.
La dagaalka Shabaab Shalay waa uu qabay MW Xasan maantana waa uu qabaa ee ku taageer oo jooji xagal daacinta iyo docfaruurka.
Muqaalladana hoose ka ka arag oo ku qanac.
@botaan_____yare0 #duet #fyp #froyou #foryoupage #viral #following #somalitiktok #somalitiktok12 #somalitiktok2022 #xasanshiiqmaxamuud #🥰