MW Xasan Sheekh oo Ka Dagay Magaalada Asmara ee Erateriya Goor dhoweyd

Reading Time: 3 minutes

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasi oo ay uga billaabatay booqasho qaadan doonta afar maalmood.

Hogaamiyaha wanaagsani waa kan mar waliba dadkiisa iyo dhibaatadooda ay la weyn yihiin, kana hormariya wax kasata badbaadinta nafta hal qof  oo Somali ah ama  hawl kasta oo hortabin leh hanti iyo mansab middey ahaataba.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Meskel ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Isaga oo casuumad ka helay madaxweyne Isaias Afwerki, madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Asmara ku yimid booqasho afar maalmood ah. Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa waxaa si diiran usoo dhoweeyey madaxweyne Afwerki.

Labada madaxweyne waxay yeelan doonaan wada-hadallo lagu xoojinayo xiriirka diiran ee labada dal iyo arrimaha gobolka ee ay danaha ka wadaagaan. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxay sidoo kale booqan doonaan qeybo badan oo dalka ka mid ah iyo barnaamijyada horumarka ee socda,” ayuu yiri

Safarkan oo  uu ku soo hubsanayo geeri iyo nolol, waxa ay ku sugan yihiin dhallinyarada Somaliyeed ee sida mugdiga ah lagu geyey dalka Earateriya, kuwaas oo shacbiga Somaliyeed xataa loo diiday inay reeraha ka war helaan xaaladda ay ku sugan yihiin.

Dhalinyaradaas oo qaarkood la sheegay inay ku dhinteen dagaalkii ka dhacay gudaha Itoobiya ayaa waxaa la soo sheegayaa inay xaalad adag ku noolaayeen, dowlada Eratariyana ay rahaamad u haysato walow hadalkaas aan weli ilo rasmi ah laga helin.

Hasa yeeshee waxay kala caddaan doontaa marka uu Asmara ka dego MW Xasan sheekh oo xataa ay suuragal tahay inaan sida uu mudan yahay loo soo dhoweyn balsa diyaar u ah waxkasta oo uu ku arki karo, kuna soo furan karna, uguna kuurgali karo noloshadooda dhaallinyaradaas oo muuda ka maqan dalka iyo dadkii dhalay.

Waxaan sugeynaa wararka arrinkaas ka soo bixi doona marka uu MW Xasan sheekh gaaro magaalada Asmara dalka Erateriya taas oo noqon doonta laba middood:

  1. In Erateriya ay noqo walaal mudan in looga abaal hayo sida ay ula dhaqantay dhallinyaradaas madaama aan wax war ah laga hayn, taas oo dhici karta inaan wax dhibaatoo ah loo geysan, la tababaray, lana daryeelay.
  2. In Earteriya qeyb caruurteenna ay xaabo uga dhitay dagaalka Itoobiya wixii ka harayna ay na soo siiyo oo aan noloshooda la wareegno wixii dhintay aynu u duceyno.

Waayo dowladdii Farmajo waxay diidday inay war lagu kalsoonaan karo ka bixiso xaalka dhaalinyaradaas, oo waxaan la soconnaa inuu diiday MW Farmajo inuu xataa ku daro xil wareejinta ilaa MW Xasan Sheekh uu ku adkeystay, kadibna uu sheegay inay yihiin 5000 askari oo tababarka dhameystay hal sano iyo bar ka hor maalintii xil wareejinta diyaarna ah.Haddii warkaas sax yahay waa guul weyn oo ay tahay in lagu amaano dowladdii hore iyo dalka Erateriya.

Hogaamiyaha dhabta ah waa kan ummaddiisa la damqada,  waxaa dhibay MW Xasan sheekh intii yareyd ee uu xafiiska joogay dhambaallada xanuunka leh ee ehelkii caruurtaas ka soo gaarayey oo uu u arkay inay la mid yihiin kuwiisa oo ka maqan, una qaatay go’aan aysan xataa maanta dad badani ku raacsaneyn oo ay leeyihiin waa in dowladda dhismaheeda  uu ku mashquulaa ee maaha safarro aado, tan maaha  safar iyo booqasho maaha ee waa shaqo muhiim ah oo lagu baadi goobayo 5000 oo qof