MW Xasan Sheekh waxaa uu ka tallaabsaday cadooyin badan oo aan wax sharciyad ah haysan si uu dalka horay ugu socdo, waxaanu hadda iska furfurayaa dabarro siyaasdeed oo intooda badan ay shisheeye iyo sokeeye calooshood u shaqeyste ah noo maleegeen.
Waxaana Tusaale loo soo qaadan kara aragtida ah in Somaliya ay leedahay cadow joogto ah oo uu iska diiday Madaxdweynaha, waxaanu go’aansaday inay dal waliba loola falgalo sidii ay noola dhaqmaan, isla mrkaana aan dalna xeydaab loogu jirin midna taariikh lagu colleysan.
Dalka Itoobiya oo ay weligeed naga dhaxeyn jirtay colaad MW Xasan waxaa uu go’aansaday in taariikhda loo daayo wixii tagay Itoobiyana lagula dhaqmo wixii ay nagula dhaqanto kadib markii ay ansixisay distuurka qowmiyadaheeda u oggolaanayo inay ka go’I karaan markay rabaan, Qawmiyadda Somalidan kuwaas ay ka mid tahay oo waxa ya dadkeedu ku tashadaan ayey yeelayaan waxaana ka mid ah inay ka go’aan marka ay u arkaan dan ama inay iyada dhanba xukumaan oo hogaanka ugu sarreeya ku hamiyaan inay gaaraan, taas oo aysan jirin wax u diidaya dadaalkooda iyo rabitaankooda maahee.
Dhinaca gudaha waxaa caado iska ahaan jirtay in beelaha qaar raalli ahaanshadooda wax lagu dhiso oo aanu dalku socon Karin haddii aan lagu dhisin ogolaanshahooda, waxaana ka mid beelaha Mudullood iyo Majeerteen oo iyaga qaba inaysan socon karin wixii aysan rabin raalli ka ahayn ama aysan ku tufin.
Tusaalaha muuqda waxaa ah maanta in beesha Majeerteen hogaankeeda maanta Siciid Deni oo damac uga jiray inuu noqdo Wasiirka koowaad ee dalka inuu aqbali la’ayahay in bessha Ogaadeen oo doorkaan markii ugu horreysay qabatay hogaaminta dowladda oo sidaas looga dhigay Xamza Cabdi Barre inuu hogaamiyaha golaha wasiirada ee dalka ay ku adag tahay inay aqbasho.
Dhab ahaan Xamza waa ka soo dhalaalay hawshii loo igmaday, hawlaha dowladdana waxay u socdaan si deggan oo wax soo saar muuqda leh. Haddey tahay dhinaca fulinta hawlgallada la dagaallanka Shabaab, dhinaca Ammaanka caasimadda oo hadda aad loogu diirsaday iyo hawlaha deyn cafinta dalka oo hadda gabagabo maraya.
MW Xasan waa hogaamiyaha iyo jiheeyaha siyaasadda dalka gudo iyo dibadba, waxaanu sheegay mar uu ka hadlayey Beydkii Ilaahay oo beenta ka xaaraan ah maalintii ciidda Todobaadka ee Jimcaha inuu xaqiijiyey himilooyinkiisa shakhsiyadeed sida Mansab iyo magac ,hasa yeeshee uu maanta u taagan yahay inuu arko in:
- Dalka Somaliya u quudiyo dadkiisa, kadib marka laga xoreeyo cadowyada gudaha iyo kuwa dibadda maadaama dadkeennu ay yihiin dad shaqeysta oo la soo baxa waxa ay cunayaan.
- Dalka Somaliya uu La soo baxa kheyraadkiisa si ay dhallinyaradiisa 70% ah ugu noolaadaan nolol Sharaf leh.
- Dalka Somaliya uu Caalamka ku hareereysan uu ula falgalo una qaato kursiga uu ka leeyahay dunida inteeda kale.
- Iyo in Dalka Somaliya uu uga baxo gacan hoosriga
Haddaba waxaa muuqda ifafaale wanaagsan oo uu maanta dalkeenna ku noqon karo dal dakiisa daryeela, isagana la daryeelo waayo Somalida dad xun maaha ah ee waxaa heshay hoogaanxumo weyn oo mar waliba waxaa hogaanka u qabanayey madax dano gaar ah ka lahaa inay hogaaminta dalka ku gaaraan martabooyin siyaasadeed laakiin maanta waxaa muuqata in MW Xasan sheekh uu yahay shakhsi aan baahi dambe u qabin martabo siyaasadeed maadaama uu markii ugu horreysay noqday hogaamiye ay dadka Somaliyeed goosteen inay ku soo ceshadaan korsiga ugu mudan taarkiihda markii ugu horreysay.
Isku soo duub Xasan sheekh waxaa uu sheegay inay ka go,an tahay inuu dalka meel gaarsiiyo oo uusan siyaasadda ugu jirin mansab iyo magac ka samee, Xamzana mar hore ayuu sheegay inuu siyaasdda ugu jiro inuu ku cibaadeysto oo uu Rabbi ugu dhawaado.
Ma filayo maanta madax ka haboon inaan heli karno, Sidaas darted annagoo danteena eeganeyna waxaa Khasab ah nagu ah inaan la shaqeyno, u hiillinno, garab istaagno labadaan shakhsi oo rabbi uu u gartay inay xelligaan na hogaamiyaan.
Laba beelood aan hore u soo xusnay oo ah beelaha magacooda iyo awooddooda wax lagu halleynayana waa u muuhiiim dalkaan, haddiisa aysan iska qaban shakhsiyaadka magaca iyo sharafta mustaqbalka dambe uga ciyaaraya waxaa la gaari doonaa xelli aysan badali Karin, sixi Karin oo dhayi karin magac xumada abuurantaa.
Xasan sheekh waa Muddullood waxaana uu ka mudan yahay beesha uu Rabbi ka dhaliyey inay ku taageeraan halganka uu ugu jiro inuu dalkaan wanaagsanaado si ay u helaan waxa ay ummad ahaan iyo degaan ahaan mudan yihiin.
Xamza waa Daarood waxaanu ka mudan yahay beesha Daarood ee uusan isaga dooran inuu ka dhasho inay ku kaalmeeyaan hadalkiisa ah inuu dalkaan gaarsiiyo meel uu ku muteysan karo raalli ahaansho rabbi oo la hubo inay tahay meel aan cidna u darreyn waayo Rabbi raalli ka noqon maayo meel xun.
Waxaa labadooda (Xasan iyo Xamsa) oo isku ujeeddco ka go’an inay dalkaan ka gudbiyaan xaaladdaan adag, si dhab ahna u galaan dagaalka dhinacyada badan ee guushaas lagu gaarayo oo ay og yihiin inuusan fududeyn, kaas oo ka imanaya sokeeye dantiisa ka hor muuqata oo aan dal iyo dadkeenna kala jecleyn iyo shisheeye adeegsanya damiir laawahaas.
Somalida ha u fekerto sida ay u fekeryaan umadaha kale ee casrigaan nool oo danta guud ayey dantooda gaarka ahi ku jirtaaye aynu ka wada shaqeyno danta guud.