MW Xasan Sheekh iyo MW Sheekh Shariif oo runta u sheegay Farmaajo iyo kooxdiisa (Akhriso)

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay munaasabaddii daha furka xisbigiisa HIMILO ayaa ka sheekeeyay arrin dhex martay isaga iyo Xasan Sheekh xilligii ay joogeen Garowe “waxaa Rabaa inaa idin kaga sheekeeyo arrin dhacday aniga iyo Madaxweyne Xasan na dhex martay waagii aan joognay Garowe, xoogaa waxaa lagu xaman jiray inuu rabo inuu dowladda rido, wuxuu yiri xaashaalilaah waxba kama jiraan, gacanta ka qabtay, Madaxweyne Farmaajo u geeyay, waxaa iri Madaxweyne ninkaan wixii lagu xamanayay been waaye, laakiin wuxuu rabaa cabashadiisa inaad dhageysato, waa yahay ayuu yiri, waa balameen, la isma arkin illaa hadda….”

“Marka qofka Soomaaliga la doorto, jini ayaa ku dhaca, jinnigaas waxaa la yiraahda, anaa ley doortay maxay rabaan dadka war fariista aamusa, laakiin muddo hada joogto waxaa arkeysa qofka ugu daciifsan ayaa tahay, maxaa yeelay culeys kasta adiga ku saaran yahay, marka waxaa rabnaa dowladda waqti fiican soo maray, wixii la aheyd waa soo sameeyeen, lagumana qanacsana, waxaa rabnaa in dadka talada loo furo oo ay fiiriyaan, maxaa yeelay qaranka waa qarankeena”

Sheekh Shariif ayaa intaa ku daray “Dalkaan wuxuu soo maray 21 sano oo xukun milateri ah, dhowr iyo labaatan sano oo dagaal sokeeye ah, 10 sano oo kumeel gaar ah, maanta waxaa noo dhisan dowladdii labaad markii laga baxay Kumeel gaar, marka waa in aan is weydiinaa, xagee soo gaarnay, meesha aan joogno waa xagee, dalkan wuxuu u baahan yahay axsaab siyaasadeed, afkaar siyaasadeed oo cusub oo ka gudbisa marxalada 4.5 inay dadka u gudbaan afkaar siyaasadeed iyo mabaa’dii”

MW Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay “Dalkaan hoggaamiye xoog badan iyo shacabka oo gacan bir ah lagu qabto. afkana la qabto waa tan maanta 30 sano na dhigtay, fidnadii ka dhalatayna weli waa socotaa”

“Dadka waa hadlayaan, haddii laga hor istaagan si walbo oo aay ahaato waa isu tegayaan, haddii fekerka qaldan ee dowladda laga hadlana qaran dumis in la yiraahdo waa afqabasho iyo waxaan raali laga noqoneyn, dhaqan suubanna ma ahan”

Tan iyo markii uu hoggaanka dalka qabtay MW Farmaajo aya waxaa uu labadii sano ee la soo dhaafay uu ku mashquulay burburinta dowlad goboleedyada, caburinta shacabka, iyo amnigii dalka oo uu faraha u geliyay shaqsiyaad xiriir toos ah la leh kooxda Shabab taasoo sababtay in ay kordhaan qaraxyada Muqdisho ka dhaca iyo in Shabab ay dib ula wareegaan deegaano laga qabsaday oo ay maanta ka taliyaan. Waxaa sidoo kale jirta in Farmajo iyo kooxdiisa ay ogolaadeen in Shabab canshuur ka qaadaan Muqdisho dhexdeeda dowladdana ay si qasab ah u qaado canshuur. Waxaa sii batay musuqa ka dhex jira dowladda waxaana yaraaday howlihii ay dowladda u qaban jirtay shacabka.

Waxaa labadii sano ee la soo dhaafay xiran dhammaan waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho xilli uu aad u kordhay qaraxyada iyo dilalka ay fuliyaan kooxda Shabaab.